Muuqal naxdin leh wiil yar oo nolosha lagu gubay si naxariis darro ah

Muuqaalka wiil yar oo nolasha lagu gubay ayaa lagu faafiyay baraha bulshada ee internet, taasoo sababtay in dadka reer Nigeria ay dalbadeen in si degdeg ah sharciga la horkeeno dambiilayaasha.
Wiilkaan oo da’diisa lagu qiyaasay todobo jir ayaa la qabtay xilli uu iskudayay inuu ka xado lacag iyo Mobile bartamaha magaalada Orile-Iganmu.
Warbixin kale ayaa sheegaysa inuu falkaan ka dhacay magaalada Badagry, iyadoo intaas lagu daray wiilkaan uusan ahayn Tuug, balse uu iskudayay inuu istaajiyo saddex nin kuwaas oo goobka ka baxsaday.
Sida ay u garacaayeen ayay markii dambe dab qabadsiiyeen ilaa uu ka dhinto.
Muuqal naxdin leh wiil yar oo nolosha lagu gubay si naxariis darro ah
Booliska ayaa sheegay inay ku dabo jireen macluumaadkii ugu horeeyay ee wiilkaan ku saabsan oo lagusoo daabacay baraha bulshada, laakiin waxay intaas ku dareen In markii dambe laga tirtiray.
ilaa iyo hadda gacanta ma soo galin dadka lagu tuhunsan yahay inay wiilkan yar nolosha ku gubeen markii ay si xun u jirdileen.

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maamul © 2015 Frontier Theme