Ururka USC sida uu dalka iyo duunyada u burburiyay

Ururka lagu magacaabi jiray USC oo kaalin weyn ka qaatay riditaanka madaxweynihii hore Maxmed Siyaad Barre ayaa sabab u noqday burburka soomaali guud ahaan, marka ay soo galeen USC xamar oo ka  eriyeen Siyaad barre sheekada waxay u baddaleen hawiye iyo daarood, marka runta la eego maba ahayn arinta sidaas, Siyaad Barre daarood oo dhan ma soo dhoweysanin keliya Mareexaan ayuu soo dhoweystay gaar ahaan dadka isaga u dhow laf ahaan, marka ma toosnayn arinta in qabyaalad loo baddalo, marka siyaad Barre laga Bixiyay magaalada muqdisho waxaa lagu magacaabay dadka soomaaliyeed oo daaroodka ka soo jeeday faqash, waxaa bilaabatay in la dilo qof kasta daarood ah, kaas wuxuu ahaa dulmiga ugu weynaa soo maro dalka soomaaliya, immisa qof lagu dilay meesha oo bari ah, ma yara naf muslin dilkeeda, way iska caddayd arintaas inay ka dambeeyeen gaalada sidii loo burburin lahaa soomaali guud ahaan, markaas dadka hoggaaminayay jabhadaha waxaa laga yaabaa inay sidaas lacag ku soo qaateen, qorshaha waa ka weynaa qabyaalad ee waxaa la rabay in la burburiyo ummad oo dhan, siiba marka ay dagaal weyn la gashay itoobiya oo dhul soomaaliyeed haysato ilaa iyo hadda, taas waxaad ka fahmaysaa waxa dhacay marka daarood laga saaray xamar, waxaa isku laabtay hawiye dhexdiisa daglaakii afarta bilood ee dhexmaray abgaal iyo habargidir oo burbur weyn u gaystay, sidoo kale dad badan ayaa qandaraas ku soo qaatay inay jiridbixiyaan asaaska dhista soomaali sida Cusmaan caate oo kale oo bixiyay maarta dhulka ku jirtay oo korontada ahayd marka dibadda u dhoofin jiray, waxaas oo dhan ma ahayn wax iska caadi ah, waxaa lala rabay soomaali in la burburiyo, ilaa aan soo gaarno heer oo sheekada diin loo baddalay, soomaali waxaa loo soo wadaa dad soomaali ah oo gaalo kirishtaan ah inay xukumaan, taas way soo socotaa, sida eretariya iyo itoobiya oo kale dad gaalo ayaa loo dhiibayaa xukunka, taasna mar hore ayaa la qorsheeyay.

Recent Posts

Updated: July 4, 2016 — 1:40 PM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maamul © 2015 Frontier Theme