Siyaasadda soomaali iyo silaca dadka ku jiraan

Dadka laga rabo inay ummad maamulaan waa dad waajib ay tahay inay aqoon iyo karti lahaadaan, dadka siyaasadda soomaali dhexboodaya badankooda waa dad reer baadiye ah oo aan wax maamuli karin, balse ninka soomaaliga wuxuu aaminsan yahay waxa loo noqdo madax inay tahay lacag in la helo, sidaa awgeed waxaad arkaysaa qof kasta soomaali madax noqdo wuxuu ku dadaalaa siduu boosas u iibsan lahaa iyo guryo u dhisan lahaa, waxaad dareemaysaa inuu ku soo barbaaray dhibaato iyo gaajo, qof sidaas ah miyaa laga sugayaa inuu ummad soo nooleeyo oo maamul u keeno?, aad bay u sahlan tahay inuu iibiyo wax walba uu u arki karo inay jeebkiisa lacag soo galin karaan, dadkan dibadda ka yimid oo iska dhigaya dad siyaad wax ka yaqaan oo baasaboorada wato waa dad aad liito oo soo maali waayay xaasaskooda iyo caruurtooda, marka ay ku nool yihiin dalalka reer galbeedka waxay ka shaqeeyaan shaqooyin qof caqli leh ka shaqayn karin, marka soomaali ay soo galaan dadka ayay harawsadaan oo waxay iska dhigaan dad aqoon leh, marka soomaali mar hore ayay toosi lahayd haddii la heli lahaa dad awood u leh inay hogaan qaban karaan, way dhici kartaa in la halo hal iyo labo laakin horaa loo dhahay far kaligeeda fool ma dhaqdo, ummad waxaa lagu dhisi karaa aqoon sax ah iyo fahanka siyaasadda caalamka ka socota iyo run iyo daacadnimo.

Recent Posts

Updated: January 28, 2016 — 8:56 PM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Maamul © 2015 Frontier Theme