Maxaan ku reebi karnaa yurub jacaylka dadka ku dhacay

Soomaalida waxaa ku dhacay marka ay dhacday dowladdii Maxamed Siyaad Barre cudur lagu magacaabo yurub jacayl, cudurkaas markii dowladda jirtay lama arki jirin, waayo dadka soomaaliyeed waxay isaga noolaayeen dalkooda waxayna ku haysteen barwaaqo iyo nolol fiican siiba amaanka oo ahaa mid fiican dhac iyo xoog iyo dil ma jirin, laakin marka ay dhacday dowladda soomaaliyeed sanadka markuu ahaa 1991kii soomaalida way kala carareen waxay kala galeen dalalka deriska sida itoobiya kenya yamen, kaddib waxaa bilaabatay soo dhoweynta iyo qaabilitaanka soomaalida ee ay qaabilayeen dowladaha yurub si loogu kaxeeyo meelaha lagu qaabilo qoxootiga, dadkii tagay yurub ayaa waxay arkeen nolol oo ku salaysan shaqo la’aan in wax lagu qaato, markaas ayay dadkii kale ku boorriyeen inay soo aadaan yurub, heer la gaaray in lagu bixiyo lacag badan leenka yurub loo maro, taas oo socota ilaa iyo hadda, xitaa waxaa la gaaray xilli loo raaco yurub doon oo aan nafta lagu aamini karin, immisa qof soomaali oo badda liibiya ku dhintay, dadka soomaali kama hari karaan arintaas ilaa ay ka helaan dowlad awood leh oo dalka nabaddiisa sida la rabay u sugayso

Recent Posts

Updated: January 29, 2016 — 10:07 AM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Maamul © 2015 Frontier Theme