Wiilasha iyo gabdhaha ma siman yihiin

Caalamka aan ku nool nahay maanta aad baa looga hadlaa arintan, runtii dad badan ayaa ku wareersan,Yaa la rabaa inuu guriga hoggaamiyo?  nin iyo naag guud ahaan isku mid ma aha, taas waa dhab oo dadka oo dhan ay wada og yihiin, naagaha beenta loo sheegay oo lagu yiri ninmanka iyo idinka waad siman tihiin si fiican ha u fikiraan, sidey isugu mid noqon karaan dumarka iyo raga waxay kala yihiin bee labo shay kala duwan?  habeen iyo maalin ma isku mid baa ? qorraxda iyo dayaxa ma isku mid baa? qof kasta Ilaahay qaab buu u abuuray xagga nolosha xagga dhaqanka xagga fikirka, marka guud ahaan nin iyo naag isku si ma aha, laakin xagga fiicanaanta waa laga yaabaa naag inay nin ka fiican tahay sidoo kale ninna inuu naag ka fiican yahay, marka ay guur wadaagaan qofka hoggaanka iska leh waa ninka, suurtagal ma aha inay labadoodaba ku sinnaadaan hoggaanka guriga, dowlad ma jirto oo labo madaxweyne leh. wadan kasta qof ayaa ugu sarreeya.

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Maamul © 2015 Frontier Theme