Toyota Camry maxay ku fiican tahay

Gaari wuxuu noqday sidii faraska iyo geela oo kale, qof kasta ku nool dal amaan ah kama maarmo, wuxuu sahal kaaga dhigayaa socodka iyo dhaqdhaqaaqa nolosha, marka aad aragto gaari qurux badan naftaada way ku raaxaysanaysaa.

toyota camry 2016

Toyota Camry 2016

sidee baa loo doortaa gaariga fiican?

marka hore waa inaad ogaata waxa aad uga baahan tahay baabuurka haddii aad leedahay famil waxaa ugu habboon gaari weyn sida Jeeb ama Toyota Land Cruiser oo kale ama Mazda iwm. haddii aad tahay iskaabuli ama famil yar waxaa kugu haboon inaad gadato Camry , maxaan kuugu doorayaa Camry waayo ma cunto bansiin badan waana fududahay waditaankeeda waxayna leedahay qurux aad kuu soo jiidan karta.

caadi iyo automatic  ayay kala leedahay marka sidaas ula soco gaariga habkaas ayaa loo doortaa.

Runtii gaariga wuxuu u baahan yahay doorasho la hubo, haddii aadan si fiican u dooranin gaariga waxaad kala kulmaysaa rafaad iyo dhib, niyaddaada waxay noqonaysaa mid jaban oo tiiraanyo leh, quruxda gaariga wuxuu ka cayaaraa kaalin weyn inuu muraalka kuu dhiso .

Model 2017 Camry maka qurux badnaan doonaa?

Waxaad arkaysaa mararka qaarkooda modelka gaariga sanadkii hore inuu ka fiican yahay sanadka cusub, sidoo kale waxay u noqonayaa dooqa dadka sida uu kala yahay, qofba qaab ayaa la qurxoon midabkana waa sidaas qofba midab ayuu ka helayaa.

Toyota Land Cruiser 2016

Toyota Land Cruiser 2016

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Maamul © 2015 Frontier Theme