Taleefankiisa arin yaab leh buu u gaday qiso cibro leh

Qiso saamayn leh nin ayaa wuxuu taleefan u diray saaxiibkiisa markaas ayuu la hadlay wuxuu ka dalbaday lacag wuxuu u sheegay in hooyadiisa ay xanuunsan tahay oo ay u baahan tahay daawo isagana uuna haynin lacag, saaxiibkiisa wuxuu ku yiri waa yahay casirka kaddib ila soo xiriir, marka casirka la gaaray ninkii taleefan ayuu u diray saaxiibkiisa taleefankiiba waa xiran yahay wuu ku celceliyay waa xiran yahay si kasta ayuu wacay taleefanka waa xiran yahay wuu iska dhaafay wuuna ka quustay, wuxuu raadiyay dad kale uu ka soo qaato lacag amaah ah wuu soo waayay, wuxuu sameeyo ayuu kasi waayay markaas ayuu u soo laabtay gurigooda wuxuu arkay baakadda daawada hooyadii madaxeeda ag yaalla iyadoo hurdaysa walaashiisa ayuu ku yiri yaa keenay daawada, markaas ayay ku tiri saaxiibkaaga ayaa yimid wuxuu qaatay warqadda dhakhtarka soo qoray marka daawada ayuu keenay hadda loo baxay, ninkii wuu muusooday iyadoo ilmo ay indhihiisa ka soo daadanayaan wuxuu baxay wuxuu raadiyay saaxiibkiisa markaas ayuu la kulmay wuxuu yiri aniga dhowr jeer ayaan taleefankaaga soo diray waan kugu soo daalay casirka kaddib taleefankaagana wuu xirnaa, aniga taleefankayga ayaan iibiyay hooyadeena ayaan daawo ugu soo gaday.
runtii waa qiso aad u saamayn badan oo dhab ah waxay tusinaysaa saaxibtinnimada inay tahay wax qaali ah.

sidee baad ku garan kartaa saaxiibka dhabta ah aan ahayn danayste, dad badan ayaad la noolaanaysaa waxay ku leeyihiin saaxiibo ayaannu nahay laakin marka dhabta ay timaado way kaa kala cararayaan, ninkan eeg waxa uu u sameeyay saaxiibkiisa, taleefankiisa ayuu beeciyay taas macnaheeda waa ikhlaas midka ugu dambeeyay, kalsooni midda ugu dambaysay, haddii saaxiibkaaga sidan aadan ka heli karin marka aad u baahato dhabta saaxiib ma aha, waa qof dan gaar ah wata, oo raba inuu kaa faa’idaysto haddii uu kaa waayo waxa uu rabo wuu ku xooraa, dumar iyo ragba sheekada way ku siman yihiin arintan wiilasha keliya kuma koobna gabdhaha xitaa way soo galayaan, runta daacadnimada ikhlaaska wanaaga sharafta daacadnimada dhowrsanaanta dhamaan qofka marka uu ku sifaysan yahay ayuu noqon karaa qof daacad kuu ah.

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Maamul © 2015 Frontier Theme