Ma rabtaa dadka inay ku jeclaadaan sidan sameey

Waxaa horay loo yiri haddii aad rabto dadka inay ku xusuusnaadaan maxaad samaynaysaa, arinta aad bay u fududahay, dadka waxaa lagu soo jiidan karaa hal shay kaas oo ah wax aad la yaabayso haddii aad akhriso, laakin marka aad si dhab u akhriso ayaad garan kartaa sida uu dadka uga dhigo kuwa adiga aan marnaba ku illaawin, wax weyn ma sii ah waa wax aad u fudud oo aad samayn karto qarash kaagama baahna keliya wuxuu kaa raabaa inaad leedahay macaarif oo wax aad ka qaadan karto.
su’aasha waxay tahay waa maxay waxa marka aan sameeyo dadka oo dhan i xuusnaanayaan?
jawaabta waa marka aad dadka lacag ka daynsato ama aad ka qaadato amaah kuma ilaawayaan maalin kasta way ku weydiinayaan hebel aaway mar kasta way kula soo xiriirayaan.

hadalkan waa sheeko yaab badan jacaylka dadka sidaas malgu kasban karaa, hadabada hadalkan waa hadal laga wado majaajilo, waxaad ogaataa dadka marka aad wax ka qaadato maanta oo dhan way ku dabada taagnaanayaan, si kasta haddii aad uga fogtahay, waayo wax baad ka qaadatay, saaxiibka dhabka ah sidaas ma aha, saaxiib runta ah oo daacadka ah ma eego  waxa aad ka qaadatay wuxuu eegayaa keliya jacaylka idin ka dheexa.

qosol ayay leedahay sheekada noocan ah, eeg marka dadka aad lacag ka qaadato waxay aad u weydiinayaan xaalakaaga iyo meesha aad joogto kormeer ayaad ku qanabayo taas oo dhan lacagta ayaa keentay ama xoolaha aad aad ka haysato dadkaas, jacayl ma aha arinta waa maslaxad yaab leh.

waxaan ka baqayaa inaad naagaha lacag ka qaadataan si ay idin soo raadiyaan, hadalkan inaad ku dabaqdaan gabdhaha, naagaha lacag lagama qaato haddii naag aad lacag ka qaadato way kuu dhamaatay maanta oo dhan waxay ka sheekaynaysaa lacagta aad ka qaadatay qofkii ay aragtaba way u sheegaysaa, naag wax maqariso, iska jir, haddii aad naag guursanayso ul ay la timaado gurigaaga ka jabi usha haddii kale maanta oo dhan waxay ka sheekaynaysaa usha, muri badan ayaa laga sheegay xaalka naagaha iyo maahmaahyo.

Recent Posts

Updated: August 2, 2016 — 6:36 AM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maamul © 2015 Frontier Theme