Xanaaqa gabdhaha maxaa keeno maaxse lagu dejin karaa

Gabar marka aad is barataan oo aad ka hesho guur ayaa inta badan aad u bandhigaysaa waxaa laga yabaa inaad isku fahmi weydaan arrimo marka haddii ay kaa xanaaqdo maxaad ku qaboojin kartaa ? taas waxaa ka horraysa maxaa u keenaya hablaha carada ama xanaaqa runtii waxaa lagaa rabaa inaad ogaagto waxa naagaha ay ka caroodaan;

inaad tahay qof iyada aan qiimaynaynin

inaad hadalo jeesjees ama yasid aad ku tiraahdo

inaad xumayso  ama dadkeeda aad wax ka sheegto

inaad galmada isla fahmi weysaan

inaad bakhiil tahay

haddii aad ka aragto caradaas waxaa lagaa rabaa inaad ku degdegto si aad u qaboojin lahayn, waayo hablaha dhaqsi bay soo laabtaan marka ay dareemaan xanaaq, sidoo kale waxay u badan yihiin inay daacad yihiin, naag marka ay ninka khiyaanayso waa marka ay ninka ka fahanto inuusan daacad ahayn, haweenka waxay si fiican u garanayaan aarsi waxa la yiraahdo aad bay ugu dheereeyaan aarsiga, haweenka diinta ku filan aan lahayn arka ay arkaan ninkooda gogoldhaaf sameeyay ama naag kale jecel iyagana nin kale ayay raadiyaan markaas way la raaxaysanayaan si ay uga aarsato ninkeeda, taas waa doqonnimo haddii ninkaaga xumaan sameeyay adiga yaa ku yiri xumaan ugu baddal taas wax caqli galaayo ma aha.

waxaa ka mid waxyaalaha xanaaqa naagaha dhaliyo inaad cuntadooda cayso mar walba, waxaa  lagaaga baahan yahay inaadan caynin cuntada ay kuu keento xaaskaaga, waayo maanta oo dhan ayay jikada ku jirtay waxay soo diyaarinaysasay cunto macaan badan sida iyada ay u aragto marka adiga fiiri dadaalka ay samaysay jacaylka sidaas ayuu ku kordhayaa, marka aad arintaas tixgalinayso malaga yaabo inay ku nacdo sababaha haweenka ay ragga u nacaan waxaa ka mid ah sheekadaas, si kastaba iska ilaali inaad gurigaaga gacantaada ku dumiso iska jir xumaanta aad ku dhacayso, waad gafi kartaa insaan baa tahay laakin ka soo laabo gafka, sababaha nacaybka keeno waa sida aan hadda ka soo hadalnay.

haddaad rabto inaad kula dhaqanto xaaskaaga si wanaagsan sida aan kuu soo sheegnay fuli nolo raaxo leh ayaad galaysaa, haween qurux badan haka sheekaynin xaaskaaga marka aad la joogto taasna waxay soo jiida xumaan.

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Maamul © 2015 Frontier Theme