Nabraha jirka gaar ahaan wejiga sidee loo daaweeyaa

Jirkeena mararka qaarkooda wuxuu yeelanayaa nabro ama fiman oo xanuun noo keeni kara marka hore waa inaan ogaa oo aan isweydiinaa maxaa keenaya nabraha jirka guud ahaan?

jawaabta waa fududahay midda ugu horrayusa waa nadaafad la’aanta waayo wasakha wuxuu keeni karaa dhibaatooyin badan oo annagu aynan filanaynin taas oo meelo badan nolosheena ka soo gali karta.

nadaafadda waa muhim sidaa awgeed waxaad arkaysaa diinteena islaamka inay ku dadashay nadaafadda qofk muslinka ah salaad lagama aqbalayo isagoon weysaysanin marka ay ugu yar tahay shan jeer ayuu tukanayaa waxaa laga yaabaa inuu sunooyin tukado mar kasta weysaysto xitaa qofka muslinka markuu seexanayo oo uu aadayo gogoshiisa waxaa la faray inuu weysaysto, sidoo kale marka uu galmo sameeyo waxaa waajib laga dhigay inuu qasli ka qubaysto taas oo dhan waxay tilmaamaysaa qiimaha nadaafadda.

Nabraha waaweyn

Nabraha waaweyn

sababta labaad waxay noqon kartaa cuntooyin qaar oo keeni kara nabro ama xasaasiyad taas waxaa loola jeedaa burutiinka qaar jirka isbaddal weyn ayuu ku sameeyaa.

sidee baa loo daaweyn karaa nabraha?

daawada waxay imaanaysaa marka la ogaado sabata nabarka soo dhaliyay marka hore waxaa la rabaa qofka inuu eego nabarkaas maxaa keenay haddii uu wax ka shakisan yahay waa inuu joojiyaa oo iska daayaa sida cuntada qaarkeed oo kale, waxaa kaloo la rabaa inuu nadaafadda si fiican ugu dadaalo.

nabraha wejiga waxaa laga yabaa inay wejiga xumeeyaan oo quruxda ka qaadaan fin doob ayaa loo yaqaanaa qaarkooda gabdhaha ayayku badan yihiin, sidoo kale waxaa jira nabro ka soo yaacaa xubnaha taran xiniinyaha ragga iyo kililaha guska sidoo kale gabadha cambarkeeda faruurihiisa mararka qaarkooda barida ama naasaha nabraha xubnaha taranka waxaa laga yaabaa galmada inay sabab u noqoto ninka iyo xaaskiisa waxaa laga rabaa inay aad ugu dadaalaan xiliga galmada nadiifinta xubnaha taranka dhacaan ka imaanaya cambarka ama geedka ninka dhididka sidoo shuunka marka uu wasakh noqdo aad buu u keeni karaa jeermis daran oo keeni kara bukaan nabreed, sidaa awgeed waxaa lays amray in layska xiiro timaha hoose waa nadaafad diinta ay ka dhigtay suno.

Nabraha faraha

Nabraha faraha

haddii aad aragto nabraha inaysan raysanaynin waxaad u tagaysaa dhakhtarka qaabilsan haraga jirka si uu kuu baaro.

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Maamul © 2015 Frontier Theme