Hab dabiici oo wajiga iyo jirka loo caddeyn karo si degdeg ah

Wajiga maxaa madoobeeya? waxaad arkaysaa qof jirka hoose ka cad sida xabadka caloosha dhabarka cajiraha laakin ka madow meelaha muuqda sida wejiga gacmaha oo kale, marka hore waxaad ogaataa wajiga waxa madoobeeya, qorraxda kaalin weyn ayay ka qaadataan midabka maqaarka siiba marka aad saliid wejiga marsato oo aad qorraxda iyo dabaysha u soo banaan baxdo wajiga madow ayay ka dhaigaan, madowga wajiga maxaa lagu tagsiin karaa oo lagu baabi’in karaa?

waxaa jiro waxyaalo dabiici ah oo raga iyo dumarka ay ku nadiifin karaan wajiga

liinta dhanaanta

wejiga iyo liinta dhanaankaLiin dhanaan shiid kaddib waxaad ku daraysaa hal qaado liin dhanaan maa alward wajiga mari 15 ilaa 30 daqiiqo ha saarnaadaan kaddib biyo ku dhaq, haddii jirkaaga uu qallanyahay waxaad keentaa liinta shiidan iyo qaaddo malab shinni iyo saliid saytuun marli meelaha madow ka tag muddo gaaraysa 10 ilaa 15 daqiiqo kaddib iyo qandac ah ku dhaq.

yaanyada iyo madowga wejiga

yaanyada wejiga lagu cadeeyo

Sidoo kale yaanyada waxay wadataa Vitamin C waxay u roontahay nabraha wejiga finka dhalinyarada iyo maqaarka saliidda leh labo qaaddo oo ah yaanyo shiidan  afar qaaddo weyn oo caano ah wajigaaga iyo qoortaada mari 30 daqiiqo muddo gaaraysa ilaa 40 daqiiqo kaddib si fiican biyo ugu dhaq dhow mar samee arintaas ilaa uu maqaarka ka soo cadaado.

caanaha fadhiga iyo midabka wejiga

caanaha fadhiga wejiga lagu cadeeyo

Caanaha fadhiga ama zabaadi loo yaqaano waxaad keenaysaa caanahaad oo adag waxaad ku daliigaysaa wejigaaga 10 daqiiqo muddo gaaraysa sidoo kale hal qaaddo zabaadi waxaad ku dari kartaa labo qaado oo malab ah, ku dadaal inaad si fiican ugu dharbbto meelaha  aadka u madow muddo gaaraysa 15-30.

 

bariiska shiidan iyo cadaynta wajiga

bariiska iyo cadaynta jirka naagaha

Bariiska la shiiday wuxuu dadka ka ilaaliyaa dhibka qorraxda ay wejiga u keento  waayo wuxuu wataa vitamin C.E  jirka ayuu jilciyaa wuuna ifiyaa waxaad keenaysaa koob nuskiisa bariis shiidan iyo wax yar caano ku filan ayaad ku qasaysaa marka waxaad ku dharoobaysaa jirkaaga muddo gaaraysa 20 ilaa 30 kaddib waxaad ku dhaqaysaa biyo qandac ah  qaabkan waxaad samaynayaa 2-3 jeer todobaadkii waxaad arkaysaa jirkaag oo si fiican u soo caddaaday.

waxaad ka fogaataa daawada diyana iyo dhamaan daawooyinka bamaatooyinka oo dhan

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maamul © 2015 Frontier Theme